Afhayeenka Boliska Bariga Jaafa, FRANS BARUNG MANGERA ayaa sheegay in qarax loo adeegsaday mooto miineysan lala beegsaday Xarunta Dhexe ee Boliska ee magaalladaasi, iyadoo dhowr Askari lagu dhaawacay.
Qaraxaasi ayaa yimid, hal maalin kadib, markii ay Qoys ka kooban 6 qof ay shalay isku qarxiyeen 3 Kaniisad oo ku taalla magaalladda SURABAAYA ee Gobalka Jaafa, halkaasi oo ugu yaraan 13 qof lagu dilay, halka ku-dhawaad 40-kalena lagu dhaawacay.
Kooxda Daacish ayaana sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadaasi ka dhacay dalka Indonesia.