Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi ayaa la sheegay inay maanta dileen ugu yaraan 2Â Askari oo ka tirsan Milliteriga dalkaasi.
Koox xiriir la leh Mucaaradka dalkaasi ayaa sheegay in Askartaasi la dilay, xilli ay doonayeen inay badbaadiyaan Dibadbaxayaasha ku sugan agagaarka Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi oo ku taalla Khartoum.
Guddiga Dhakhaatiirta Suudaan oo xiriir la leh Kooxaha Mucaaradka ayaa sheegay in labada Askari la dilay Waaberigii hore ee saakayto, kadib, markii ay isku dhaceen ciiddan ka wada tirsan kuwa Ammaanka ee dalkaasi.
Kumanaan Dibadbaxayaal ayaa maalintii afaraad hor-fadhiya agagaarka Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Difaaca, waxayna codsanayaan inuu iscasilo Madaxweyne Albashiir.
Tan iyo bishan April 6-dii oo ay Dibadbaxayaasha bilaabeen inay hor fariistaan Xarunta dhexe ee Difaaca, ugu yaraan 7 qof o o2 ka mid ahaayeen Ciiddan ayaa lagu dilay dibadbaxyo ka socda magaalladda Ondarmaan oo ah magaalladda 2-aad ee ugu weyn dalkaasi.
Maalintii shalay, Isbahaysiga Xorriyadda iyo Isbedelka ee dibadbaxaya waxay ug ubaaqeen Milliteriga inay wada-xaajood toos ah la yeeshaan Dibadbaxayaasha oo ku aadan sidii loo dhisi lahaa Dowlad Ku-meel-gaar ah.
Wasiirka Difaaca ee dalka Sudan, Jeneral Cawad Ibu coof waxa uu wacad ku maray inay Ciiddanka ka hor tegi doonaan fal kasta oo lagu abuurayo qalalaaso iyo amar la’aan, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Ciiddanku fahamsan yihiin sababaha Dibadbaxayaasha
Taliyaha Guud ee Milliteriga Suudaan, Jeneral Kamaal Cabdul-macruuf waxa uu isagana sheegay inay gudanayaan mas’uuliyadda ka saaraan Ammaanka iyo Badbaadinta Muwaadiniintooda.
Si kastaba ha ahaatee, Dibadbaxayadda looga soo hor jeedo Madaxweyne Albashiirwaxay bilowdeen bishii December 19-dii ee sannadkii hore, waxayna Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch sheegtay in ugu yaraan 51 qof lagu dilay inta ay socdeen Dibadbaxyadaasi.