Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo weerar lagu dilay

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal kooban xalay ka dhacay gudaha Janaale ee Gobolka Shabeellaha, kaasi oo dhexmaray Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay gudaha Janaale uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin halkaas.

War qoraal ah oo lagu faafiyay Baraha Bulshada Al-shabaab ayaa ku sheegteen inay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa lagu tababaray Saldhigga Turkiga ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa intaas kusii dartay in weerarkii ka dhacay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen Afar oo kamid ah Ciidanka dowladda ee ku sugnaa halkaas.

Al-shabaab ayaa inta badan xiliyada habeenkii ah weeraro kala duwan ku qaada Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana weerarada ka dhasha Khasaarooyin kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media