Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo ku geeriyootay qarax lala eegtay

Ilaa lix ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ku dhimatay qarax miino oo lala beegsaday kolonyo galbinaysay baabuur u socotay garoonka Ballidoogle.

Warar aanu ka helnay hay’ado dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in askarta dhimatay ay la socdeen baabuur korka ka furan, waxaana uu marayey inta u dhaxaysa magaalooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.

Dhinaca kale, qarax ayaa goor hore oo manta lala beegsaday baabuur ay wateen ciidamada milatariga Soomaaliya oo marayey degaanka Ceelasha Biyaha.

Qaraxan ayaa lala helay baabuur, uu saarnaa sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo dhinaca amniga ah.

Sarkaalka saarnaa baabuurka iyo saddex askari oo kale ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud ay kasoo gaareen qaraxaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor