Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magacaawday Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kadib markii xilka laga qaaday taliyihii hore, Sulub Axmed Fidhin. Magacaabista cusub ayaa waxaa ku guuleystay Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi, oo ah sarkaal khibrad iyo waayo-aragnimo dheer u leh howlaha amniga iyo ciidamada.
Generaal Asad, oo ka soo shaqeeyay Ciidanka Amniga Puntland (PSF) intii u dhaxeysay 2007 ilaa 2018, ayaa si rasmi ah loogu magacaabay xilkan kadib markii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha. Shirkan Golaha Wasiirrada oo ahaa mid caadi ah, waxaa guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliyeed ayaa loo arkaa mid ku habboon hoggaaminta ciidamada, maadaama uu leeyahay aqoon sare iyo khibrad ballaaran oo dhinaca ammaanka ah. Intii uu hogaaminayay PSF, wuxuu door muuqda ka qaatay la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo sugidda amniga gobolka Puntland, taasoo hadda laga filayo inuu ku soo kordhiyo qorshayaasha amniga Qaranka Soomaaliya.
Magacaabista Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la filayaa inay qayb weyn ka noqoto dib u habeynta ciidamada booliska, iyadoo si gaar ah diiradda loo saari doono xoojinta awoodda amniga ee booliska, kor u qaadista tababarada iyo la dagaallanka Al-Shabaab.