Armenia oo Duqeyn Culus ka geysatay gudaha Azerbaijan

Dowladda Azerbaijan ayaa sheegtay in weerar gantaal oo aroornimadii hore ee maanta oo Sabti ah lagu qaaday magaalada Ganja oo ah magaalada labaad ee ugu weyn waddanka, ay ku dhinteen 12 qof halka ay ku dhaawacmeen 40 qof.

Wasiirka difaaca Azerbaijan ayaa sheegay in gantaallo laga soo tuuray dalka Armenia lala beegsaday magaalooyinka Ganja iyo Mingachevir.

Dowladda Armenia ayaanan beenin ama sheegan mas’uuliyadda gantaalaha lagu duqeeyay Azerbaijan.

Sida ay sheegeen saraakiisha, duqeynta ayaa burburisay ugu yaraan 20 dhismo oo ku yaalla xaafado ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn Azerbaijan.

Dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa billowday 27-kii bishii September. Tan iyo markaasi, waxaa dagaalka ku dhintay boqollaal qof oo labada dhinac ah, taasi oo ka dhigtay khasaarihii ugu ballaarnaa tan iyo intii ay billaabatay colaadda gobolka ay labada waddan ku muransan yihiin ee Nagorno-Karabakh.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media