Aqalka Sare oo Baaq Deg-deg ah u diray DFS iyo M/Goboleedyada

Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Mareegta Internet-ka, iyadoo kulanka kadib War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in Fadhiga guud ee Golaha ay bilaaban doonaan markii Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ka wada hadlaan sida Goloyaasha ugu howlgalayaan Shuruucda iyo Arrimaha horyaalla Baarlamaanka.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Goluhu uu leeyahay kaalin dastuuri ah isu keenista Madaxda Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleedyo, si looga looga wadahadlo loogana heshiiyo hannaan lagu meel marinayo xaalada kala guurka ah.

Waxaa kaloo Qoraalka lagu xusay in qabashada doorashooyinka ay u baahan tahay wadatashi Deg-deg ah ay isugu yimaadaan dhammaan Madaxda Qaranka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda ka hor 25 bishan June ee 2020.

Guddiga Joogtada Golaha Aqalka sare ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ugu baaqay inay u turaan shacabka Soomaaliyeed ee muddada dheer soo ragaadiyeen Khilaafyada siyaasadeed iyo Colaadihii dalka ka dhacay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka Sare.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media