Aqalka Sare oo ansixiyay Xeerkii dalka looga mamnuucay Shirkadda Dp World

Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kullankooda maanta waxay ku ansixiyeen Xeerka dhowridda midnimada iyo Gobanimada Soomaaliya oo Shirkadda Dp World ka mamnuucaya dalka.

Kullanka ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi,waxayna Xildhibaanada Aqalka sare ay ku meel mariyeen sharcigii ay usoo gudbiyeen xildhibaanada Golaha shacabka kaasi oo dhigayay in dalka aysan ka shaqeyn karin shirkadda Dp World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

28-Senetor ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay  Xeerka dhowridda midnimada iyo Gobanimada Soomaaliya oo Shirkadda Dp World ka mamnuucaya dalka, halka 6-Xildhibaan oo Aqalka sare ka tirsan diiday,iyadoo 2-kalena ay ka aamustay.

Xubnaha Aqalka sare oo kulankii ugu horeeyay Kalfadhigooda Sedexaad maalintii talaadada ahayd ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo qeybiyay Xeerkan oo dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World iyagoona soo aqristay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa horay u soo ansixiyay xeerka Dowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed,kaasi oo guud ahaan Dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media