HomeWararAqalka Cad ee Maraykanka oo ka hadlay duqeyntii Xeradda Alshabaab ee Raaso.

Aqalka Cad ee Maraykanka oo ka hadlay duqeyntii Xeradda Alshabaab ee Raaso.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Xoghayaha Warfafainta ee Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka, Josh Earnest ayaa ku tilmaamay weerarkaasi Tusaale Wanaagsan u yahay qaabka ay Milliteriga ula shaqeyn karaan Saaxiibadda Gudaha si horumar looga gaaro Ammaanka. Josh Earnest waxa uu Weriyayaasha ugu sheegay magaalladda Washington in duqeyntaasi looga dan leeyahay sidii lagu naafayn lahaa Dhaqdhaqaaqyada ay Alshabaab ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xoghayaha Warfafainta ee Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka, Josh Earnest ayaa ku tilmaamay weerarkaasi Tusaale Wanaagsan u yahay qaabka ay Milliteriga ula shaqeyn karaan Saaxiibadda Gudaha si horumar looga gaaro Ammaanka.

Josh Earnest waxa uu Weriyayaasha ugu sheegay magaalladda Washington in duqeyntaasi looga dan leeyahay sidii lagu naafayn lahaa Dhaqdhaqaaqyada ay Alshabaab ka wadaan gudaha dalka Somalia ee ay dad cusub ku qoranayaan, ku dhisanayaan Saldhigyo iyo inay qorsheeyaan Weeraro ka dhan ah Maraykanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Waxa uu ku adkeystay inay muhiimadooda koowaad tahay sidii looga hortegi lahaa inaysan dadka rayidka waxyeelo ka soo gaarin  Duqeymaha lala beegsanayo Alshabab.

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab u adeegsan karaan haddii dad rayid waxyeelo soo gaarto Borbogaando ay ku heli karnaa xubno cusub oo ku soo biira Alshabaab amaba inay abuuraan Olole ka dhan ah Maraykanka.

Duqeyntii Sabtida lagu qaaday Xeradda Tababarka Raaso ee duleedka Buulo-burte waxay ku soo beegantay iyadoo Maamulka Madaxweyne Barack Obama qorsheynayaan in  aad loo yareeyo khasaaraha ka dhasha duqeymaha Droneska ee laga fuliyo meelaha ka baxsan Goobaha loogu yeero Deegaannadda Dagaalka.

- Advertisement -

La-taliyaha Madaxweyne Obama ee La-dagaalanka Argagixisadda iyo Ammaanka Gudaha Maraykanka, Lisa Monaco ayaa sheegtay in Isbuucyadda soo socda la soo bandhigi doono Tiradda Guud ee Khasaaraha ka dhashay Duqeymahaasi tan iyo markii uu Madaxweyne Obama la wareegay Xafiiska.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts