Sheekh Shariif oo Caawa War kasoo saaray Shirka Madaxda ee ka furmaya Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee 20-ka bishaan ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa Shirka Madaxda ee looga hadli doono dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 September ka rajeeyay inuu noqon doono mid mira dhal ah oo guulaysta, si dalku u galo marxalad doorasho oo loo dhan yahay.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ku shaaciyay inuu kalsooni buuxda uu ku qabo dadaalada socda ee xal u helidda arrimaha Doorashooyinka ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan rajeynayaa kulanka 20ka bishan loo madlan yahay kaas oo looga hadlayo dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 September inuu noqdo mid mira dhal ah oo guulaysta si dalku u galo marxalad doorasho oo nabdoon, raallina laga wada yahay taasoo fure u noqon doonta in lagu qanco natiijada Doorashada” ayuu yiri Shariifka.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu intaas kusii daray inuu aaminsan yahay in Rooble lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

Si kastaba Shirka Madaxda ee 20-ka bishaan furmaya ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaasi oo la filayo in heshiis looga gaaro khilaafka ka taagan doorashada dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor