Sawirro:-Diyaarad Ciidamo gaar ah siday oo ka degtay Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ka degtay Diyaarad qaaas ah oo siday ku dhawaad 100 Askari oo ah Ciidamo Boolis ah.

Ciidamadan laga dajiyay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ayaa waxaa la sheegay in ay yihiin Ciidamo Boolis ah oo sigaar ah u tababaran,kuwaasi oo markii ay gaareen Baydhabo la geeyay Saldhiga Booliska Magaaladaasi.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo geeyay Ciidamadan Maanta Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed,halkaasi oo dhawaan ay ka dhici doonto Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

5 Bisha soo socoto ayaa waxaa la filayaa inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,taasi oo ay ku tartamayan Musharaxiin dhowrah,waxaana doorashada ay noqon doontaa Mid adeg.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media