Jubbaland oo markale ka hadashay Shirka Madaxda ee ka furmaya Muqdisho

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo talaado ah ka hadashay Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee la filayo in 20-ka bishaan May 2021 uu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inay Jubbaland soo dhaweyneyso Shirka uu Madaxda isugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta Maxamed Xuseen Rooble ee furmaya 20-ka bisha.

Waxaa uu sheegay Wasiiru dowlaha in Maamulkiisa uu rajo wanaagsan ka qabo Shirka Madaxda, isla markaana xusay in xal laga gaari doono khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo aan weli heshiis laga gaarin.

Xirsi Jaamac Gaani ayaa tilmaamay in Shirka looga wada hadli doono wax kasta oo u baahan in xal laga gaaro, isagoona sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble looga baahan yahay inuu dhex-dhexaad noqdo, maadaama lagu wareejiyay maamulka Doorashada.

Maamulka Jubbaland ayaa horey u sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka Shirka uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta isugu yeeray Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada oo 20-ka bishaan ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay soo gaaran Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor