DEG DEG:-Qarax xoogan oo Goor dhow ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Goor dhow uu ka dhacay qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha qaar ee Magaaladaas.

Qaraxaas oo ahaa mid Is-miidaamin ah ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, waxaana uu sigaar uga dhacay agagaarka Hotel lagu magacaabo embassy.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray waddooyinka gala iyo kuwa kabaxa halkaas, waxaana sidoo kalen la maqlay rasaas farabadan oo ay fureen Ciidanka.

Ilaa iyo hadda lama oga cidda lala beegsaday qaraxaas Caawa ka dhacay gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

La soco wixii kusoo kordha warkaan Insha Allaah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor