Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa soo dhaweeysay Tallaabadii lagu sii daayey Bashiir Makhtal Daahir oo isaga bishan April 18-dii laga sii daayey Xabsiga, isla markaana uu xalay dib ugu laabtay magaalladda Toronto ee dalka Kanada.
Xoghayaha Guud ee Xafiiska Hay’adda Amnesty International ee Kanada, dalka Kanada Alex Neve waxa uu tilmaamay in ay sii dayntiisa guul u tahay Xuquuqda Aadanaha, kadib, markii uu Bashiir Makhtal si aan sharci ahayn ugu xirnaa Ethiopia muddo 11-sanno.
Waxa uu intaasi ku daray in Kumanan ka tirsan Taageerayaasha Hay’adda Amnesty International u ololeeyeen sii-daynta Bashiir Makhtal, wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyey xubnaha Jaalliyadda Soomaalida, Qareen LORNE WALDMAN iyo qof kasta oo saxiixay Bayaankii lagu codsanayey in lagu sii daayo Bashiir Makhtal.
Xoghayaha Guud ee Xafiiska Hay’adda Amnesty International ee Kanada, dalka Kanada Alex Neve waxa uu ka dayriyey xaalladda guud ee Xabsiyadda Ethiopia, isagoo sheegay inay Maxaabiista si joogto ah loogu jir-dilo, isla markaana waqti dheer la iskaga hayo Xabsiyadda.
Dhinaca kale, Boqolaal ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida Kanada waxay si wadajir ah u soo dhaweeyeen Bashiir Makhtal oo isagu xalay dib ugu laabtay dalka Kanada, isagoo la socday Diyaarad ka timid Addis Abeba, taasi oo soo caga dhigatay Garoonka Caalamiga ee PEARSON AIRPORT ee magaalladda Toronto.