Bayaan ay Hawlgalka Nabad-ilaalinta AMISOM soo saareen ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay Baaritaano ku samaynayaan Duqeyntii ka dhacday Gobalka Gedo, iyadoo la tixraacayo Hadalkii qoraal ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS ee ku aadanaa Duqeynjtii Diyaaradeed ee ka dhacday Gobalka Gedo.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somalia waxay ku eedeysay inuu dal ka tirsan AMISOM ku lug lahaa Duqeyntii Diyaaradaha ee lagu dilay dad rayid ah oo ku noolaa Gobalka Gedo.
Qoraalka ay HJawlgalka AMISOM soo saareen waxay kaloo ku sheegtay inay ku hawlan yihiin Ururinta Warbixinada la xiriira Duqeyntaasi, isla markaana ay si dhow ula shaqeyn doonaan DFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Daneeyayaasha kale inta ay AMISOM baarayso dhacdadaasi.
Dhinaca kale, AMISOM waxay sheegtay inay ka go’an tahay baaritaanadda dhamaan eedeymaha la xiriira Xadgudubyada heer kasta oo uu yahay ee ka dhan ah Ciiddanka ka hoos shaqeeya Taliskooda Somalia.
Ugu dambeyntii, Hadalka qoraalka ee ka soo baxay Hawlgalka AMISOM waxay ku muuiyeen inay ka go’an tahay Baaritaanka Buuxa ee Duqeynta Diyaaradeed ee AMISOM lagu eedeeyey ee ka dhacday Gobalka Gedo, isla markaana ay Baaritaankooda la wadaagi doonaan dhamaan Daneeyayaasha ay arrintaasi khuseyso.
Si kastaba ha ahaatee, Duqeymihii Diyaaradeed ee dhawaan lala beegsaday Deegaano ka tirsan Gobalka Gedo ayaa waxaa lagu eedeeyey inay Ciiddanka Kenya geysteen, inkastoo aysan Dowladda Kenya weli ka hadlin Eedeyntaasi.