AMISOM oo shaacisay goobta lagu fulinayo xukunada Askartoodii dadka ku leysay Golweyn

Howlgalka AMISOM ayaa ka hadlay xukunada kala duwan ee isugu jiray toogasho iyo xarig kaas oo dhawaan lagu riday askartooda.

AMISOM ayaa waxaa sheegtay in askartan lagu helay dambiga ah in dad rayid ah ay ku laayeen deegaanka Golweyn ee Shabeellaha Hoose.

AMISOM ayaa sidoo kale sheegtay in askartan dib loogu celin doono dalka Uganda halkaas oo lagu fulin doono xukunada kala duwan ee lagu riday.

War saxaafadeed kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta amniga shacabka iyo hantida marka ay howlgallada ka fulinayaan gudaha Soomaaliya.

Dhacdada oo ahayd bishii August ee sannadkan, waxaa lagu dilay toddobo qof oo shacab ahaa, waxaana la sheegay in qaarkood lagu dul fadhiisiyay miino, ka dibna lagu qarxiyay.

Labo ka mid ah askartii la soo eedeeyay oo u dhashay Ugandha ayaa lagu xukumay dil, halka seddaxda kalena lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor