AMISOM oo ka baxeysa Saldhigyo Ciidan farriina u dirtay Taliska Ciidanka Xoogga

Taliska Ciidanka AMISOM qeybta Ciidanka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda ay ka bixi doonaan Saldhigyada Ciidankooda ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolada Baay iyo Gedo ee Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay Taliska AMISOM qeybta 3aad ee Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay inay ka bixi doonaan Saldhiyada ay ku leeyihiin Buurdhuubo iyo Qansax Dheere ee Gobolada Gedo iyo Baay, iyagoona Qoraal u diray Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka qeybta 60-aad, Wasaaradda Gaashaandhigga, maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayey AMISOM ku wargelisay in saldhiggyadaas ay Ciidanka ka socda Itoobiya ka baxayaan.

Sidoo kale AMISOM ayaa  sheegtay in Ciidamada Itoobiya ee ka baxa Buurdhuubo iyo Qansax Dheere lagu xoojin doono saldhigyada ciidanka ee Garbahaarey iyo Bardaale, iyagoona Taliska CXD ka dalbaday inay la wareegaan Saldhigyadaas ka hor 21 Sep.

Ciidamada AMISOM ayaa horey uga baxay Saldhigyo ay ku lahaayeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka, iyagoona Saldhigyada ku wareejiyay Ciidanka Xoogga dalka oo ka taageeraan howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay AMISOM oo ku qoran Luuqada Ingiriiska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor