HomeWararAMISOM oo beenisay inay ku lug lahayd qabashadii Mukhtaar Roobow iyo in...

AMISOM oo beenisay inay ku lug lahayd qabashadii Mukhtaar Roobow iyo in loo soo gudbiyo Muqdisho

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

War-saxaafadeed uu Ergayga Khaaska ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, ,Ambassador Francisco Madeira waxa uu kaga hadlay Xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalladda Baydhabo iyo Xarigii Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka mid ahaa Murashixiinta u taagan Doorashada Madaxweynenimadda ee Maamul-gobaleedka K/Galbeed ee Somalia.

Ambassador Madeira waxa uu tilmaamay inuu doonayo inuu u sheego  Dadweynaha iyo kuwa ay wada-shaqeynta la leh inaysan Ciiddanka AMISOM qeyb ka ahayn qabashadii Mukhtaar Roobow iyo in loo soo gudbiyo magaalladda Muqdisho.

Qoraalkiisa waxa uu ku xusay inay AMISOM sii wadi doonto Aqoonsiga iyo Xushmeynta  Madax-bannaanida Dadka iyo Dowladda Somalia, wauxuuna ku celceliyey inay AMISOM ku nagaanayso Dhexdhexaadnimadooda  iyo Fulinta Waajibaadkooda ee Hawlgalka ay u joogaan Somalia.

Dhinaca kale, Ergayga Khaaska ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, ,Ambassador Francisco Madeira waxa uu ugu baaqay dhamaan dhinacyadda ay khuseyso Xiisaddaas inay xaliyaan arrimaha ku aadan Xiisadda haatan ka taagan Somalia iyo Doorashooyinka soo socda ee Maamul-gobaleedka K/Galbeed Somalia, isla markaana ay AMISOM  xushmeyn doonto Sharciga, Dhaqanka  iyo Qiimaha dadka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed Ambassador  Madeira  waxa uu ugu dambeyntii ku muujiyey inay aad uga xun yihiin dadka noloshooda ku waayey  rabshadihii Baydhabo, wuxuuna Tacsi u diray qoysaska ay ehelkooda ku geeriyoodeen Baydhbao, wuxuuna sidoo kale caafimaad u rajeeyey kuwa ku dhaawacmay  dhacdadaasi.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories