Amiirkii hore ee dalka Qatar oo geeriyooday.

 Sheekh Khaliifa Bin Xamad Al-Thani oo ahaa Amiirkii hore ee dalka Qatar ayaa shalay geeriyooday.

Hadal ka soo baxay Diiwaanka dalkaasi ayaa lagu sheegay in muddo 3 maalmood Baroor-diiq Qaran loo samaynayo Amiirka geeriyooday oo da’diisu ahayd 84-jir.

Sheekh Khaliifa Bin Xamad Al-Thani waxa uu talada Amiirka Qatar hayey muddo 23-sanno (1972-kii ilaa 1995-kii).

Marxumka geeriyooday waxa uu aabe u yahay Amiirka haatan ka taliya dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor