Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay soo saaray amar ah in la xiro dhammaan Iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla dalka, si looga hortego faafida Cudurka Coronavirus.
Amarka ayaa Maanta ka dhaqan galay gudaha Magaalada Muqdisho, iyadoona la fasaxay gebi ahaan Jaamacadaha iyo Iskuulada ku yaalla Caasimadda.
Qoraalo kala duwan oo ay soo saareen maamulayaasha Iskuulada iyo Jaamacadaha ayaa waxaa loo diray Ardayda, iyagoona ku wargeliyay in la fasaxay muddo 15 maalmood ah, si loo fuliyo amarkii xalay uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Sidoo kale amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna maanta ka dhaqan galay deegaano ku yaalla Gobolada dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Amarka Xasan Cali Kheyre ee uu bixiyay ee ahaa in la xiro goobaha Waxbarashada ayaa ka dhaqan gelin deegaanada Galmudug.
Wasaarada waxbarashada Galmudug ayaa sheegtay inay wado qorsheynta sida laga yeelayo digniinaha soo baxaya iyo go’aanada la qaadan karo , iyadoo tashi lala sameynayo Madaxda Sare ee Maamulka Galmudug.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in sidii caadiga aheyd ay Maanta Goobaha waxbarashada ee Galmudug u bixiyeen duruusta, waxaana Ardayda ay aadeen Jaamacadaha iyo dhamaan goobaha kale ee waxbarasho.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in sababta loo xirayo Goobaha Waxbarashada dalka ay tahay ka hortegista faafida Cudurka Coronavirus oo kiisii ugu horreeyay laga helay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.