Amar uu soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhaqan galay

Waxaa si rasmi ah u dhaqan galay amarkii uu dhawaan soo saaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) kaas oo la xariiray in xoolaha dhaxsado wadooyinka Caasimadda lagu xareyn doono xarunta Baadi-Qabadka oo dhawaan dib-udhis lagu sameeyay.

Howlgal ay fuliyeen ciidanka ilaalinta deegaanka dowlada hoose Xamar ayaa lagu soo qab-qabtay ku dhawaad 40 Lo’ kuwaas oo dhaxsocday wadooyinka magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in talaabada lagu soo qab-qabtay Xoolaha dhexsocday Wadooyinka Magaalada Muqdisho ay qeyb ka tahay kor u qaadista blicda Caasimadda.

“Waxaa talaabadaani ay qeyb ka tahay kor u qaadista blicda Caasimadda iyo in xalwaaro laga gaaro arimaha la xariira xoolaha magaalada lagu soo fasaxo oo caqabad ku ah bilicda iyo Nadaafada gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri qoaalka kasoo baxay Maamulka Gobolka.

Dhawaan ayay aheyd markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) xariga uu ka jaray xarunta baadi qabadka ee xoolaha nool oo lagu sameeyay dib udhis iyo dayactir, taasi oo ku taalla Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media