Amar lagusoo rogay Ganacsatada suuqa degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Maamulka dowladda hoose ee degmada Xuddur, ayaa maanta olole nadaafadeed oo lagu soo celinaayo bilica ka sameeyay suuqa  degmadaasi oo maalmahaan ay ka muuqdeen nadaafad xumo aad u daran.

Guddoomiyaha xafiiska Maaliyadda degmada Xuddur Aadan Cabdi Abaarey iyo Xoghayaha dowladda hoose, C/fitaax Maxamed Boorow, ayaa ganacsatada ku war geliyay in suuqa labo maalin xirnaan doono inta ololaha nadaafadeed uu ka socdo halkaasi .

Ololaha nadaafadeed ayaa manta si rasmi ah looga bilaabay qeybta lagu iibiyo caanaha,iyadoo sidoo kale ololahaasi nadaafadda laga sameyay qeybta dharka iyo kuwo kale .

Suuqa caanaha ee degmada Xuddur waxaa uu kamid yahay meelaha ugu mashquulka badan, waxaana halkaas booqda boqolaal shacab ah oo isugu jira kuwa caanaha keena iyo dadka iibsada.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media