Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isxaaq Cali Subug ayaa Maanta Arbaco ah Shir guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Koonfur Galbeed oo todobadkiiba mar lagu qabto Magaalada Baydhabo.
Inta uu socday Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee la xiriiray amni darro ee ka dhacay gudaha Baydhabo oo ay geysteen rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Wasiir Isxaaq Cali Subug ayaa Saraakiisha laamaha amniga Koonfur Galbeed qeybahooda kala duwan ku amray inay xoojiyaan sugida amniga Caasimadda KMG ah ee Maamulka, isla markaana ay joogteeyaan howlgalada lagu xaqiijinayo nabadgalyada.
Sidoo kale Wasii Isaaq ayaa shacabka Magaalada Baydhabo ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego weerarada khasaaraha geysta, waxaana Shirka ka qeyb galay Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka qeybta 60-aad, Booliska, Nabadsugida, Saraakiil ka tirsan UK, AMISOM iyo Sarakiil kale.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhawaan ka dhacay weerar lagu qaaday bar koontarool oo Ciidanka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin gudaha Magaaladaas, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo gaaray Askar iyo dad shacab ah, waxaana inta badan falalka halkaas ka dhaca sheegta Al-shabaab.