Ammaanka magaalada xeebta ah ee Marka ayaa maanta aad loo adkeeyay waxaana halkaas laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya.
Boorar lagu hardhay erayo soo dhaweyn ayaa lagu dhejeyay marinada ugu muhiimsan magaalada Marka iyada oo ciidamada dowladdu ay gaaf wareegayaan magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose.
Wefdi hordhac u ah ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in ay gaaraan saacadaha soo socda halkaas,waxaana si weyn loo adkeynayaa amniga guud ee magaalada Marks.