Alshabaab oo xaqiijisay inay Komaandoos Shisheeye soo weerareen Saldhigooda ku yaalla Aw Dheegle

Afhayeenka Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar ay Komaandoos Shisheeye ah ku soo qaadeen Degmadda Aw Dheegle ee Gobalka Sh/hoose oo qiyaas ahaan 50 KM dhanka Koonfureed kaga toosan magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka oo wareysi siiyey Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu sheegay inay Ciiddanka shisheeyaha oo watay labo Helikoptar soo weerareen Aw Dheegle abaarihii Kowdii Habeenimo ee Saqdii dhexe ee xalay, isla markaana uu Hal dagaalyahan Alshabaab kaga geeriyooday iska horimaadkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Labada Helikoptaro ku degeen Jiinka Webiga Shabelle, iyadoo Komaandooska ka soo degay diyaaradahaasi ay soo weerareeen Saldhiga Alshabaab ku leeyihiin Aw Dheegle.

“Komaandooska wejiga ayaa u hagoognaa, waxayna ku hadlayeen Luqado shisheeye oo ay Dagaalyahanadeedu fahmi waayeen” ayuu yiri Abu Muscab oo intaasi ku daray inaysan aqoonin kuwa ay yihiin.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay fashiliyeen weerarka Ciiddankaasi oo ku hubeysnaa qoryaha M16 oo ay Milliteriga Maraykanka isticmaalaan, walow uusan Abu Muscab xusin dhalashada Ciiddankaasi.

Dhinaca kale, dadka ku nool Degaanka Aw Dheegle ayaa xaqiijiyey iska horimaadkaasi iyo inay Labo Helikoptar ku arkeen Deegaankaasi.

Waxay kaloo sheegeen muddada uu socday Hawlgalkaasi inay Dadka deegaanka ku adkaatay inay isticmaalaan Isgaarsiinta Mobayladda.

Xigasho: REUTERS.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor