Alshabaab oo qaraxyo ay dad ku geeriyoodeen ka geystay Kenya

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay inay ugu yaraan 15 qof oo xoogsato ah ku geeriyootay labo qarax oo saqdii dhexe ee xalay ruxay Degmadda Mandheera ee W/bari dalkaasi.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen qaraxaasi oo lala beegsaday guri ay deggan yihiin Shaqaalaha aan Soomaalida ahayn ee ka xoogsata Kaawooyinka Dhagxaanta ee Degmadda Mandheera.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay qaraxyadaasi ka dhaceen Suuqa Xoolaha ee Mandera, waxaana la soo sheegay inay qaraxyadda ka dambeeyeen israsaasayn.

Isbitaalka Guud ee Mandheera waxaa la geeyey dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi, iyadoo Ciiddanka Kenya baaritaano ka bilaabeen deegaanadda ay ka dhaceen qaraxyadaasi.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkiaas ayaa ah kii  ugu horreeyey oo ay Alshabaab ka fuliyaan W/bari ee Kenya, tan iyo markii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ka qaaday bandowga Goballadda ay Soomaalida Kenya ka deggaan W/bari ee dalkaasi.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor