Alshabaab oo madafiic ku garaacay Saldhig ay Askarta Ethiopia ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cali.

Wararka naga soo gaarayo Deegaanka Ceel-cali ee Gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan inay Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab Waaberigii hore ee saakayto madaafiic ku garaaceen Saldhig ay Ciiddanka Ethiopia ku leeyihiin Deegaankaasi.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan inay maqleen guuxa dhowr Gantaal oo ku hoobtay Saldhigaasi.

Guddoomiyaha Deegaanka Ceel-cali, Abiikar Yarow Cumar ayaa qiray inay Alshabaab madaafiic ku garaaceen Saldhigaasi.

Ma aha markii ugu horreysay ee Dagaalamayaasha Alshabab  madaafiic  ku garaacan Saldhigga Askarta Ethiopia ku leeyihiinbDeegaano ku yaalla Gobalka Hiiraan.

Dhinaca kale, Ciiddanka Ethiopia ayaa la sheegay inay saakayto ka guureen Saldhigii lagu weeraray, mana kala cadda halka ay u jiheysteen.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor