Alshabaab oo beeniyey Eedeyn ay Dowladda Kenya soo jeedisay.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xarakadda Alshabaab ayey ku beeniyeen warar ay Boliska dalkaasi ku sheegeen inay Alshabaab horey u sii qaateen Qalabka Diiwaan-gelinta Doorashadda ee yaallay Xero Boliska ku leeyihiin Deegaanka Arabia oo 100-KM u jirta Degmadda Mandera.

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Idaacadda ku hadasha Afka Xarakadda Alshabaab ee Andulus baahisay Warka ku aadan Beenintaasi, waxaana lagu tilmaamay inay Dowladda Kenya uga dan leedahay Borobogaando.

 

Qoraalka waxaa lagu xusay inaysan been abuur tahay Eedeyntaasi iyo inay Dagaalamaayaasha Alshabaab soo qaateen qaar ka mid ah Qalabka Doorashadda ee loo yaqaano BVR.

“Dowladda Kenya waa inay joojisaa beenta ay ka sheegayaan Qalabka  Diiwaan-gelinta ee BVR. Waxaa run ah inay Mujaahidiinta weerareen Xero Bolis, kana soo qabsadeen Gaadiid, dhowr qori iyo rasaas badan” ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay Alshabaab.

Hadalka ay Xarakadda Alshabaab ku beeniyeen arrintaasi ayaa timid, kadib, markii uu Taliye-xigeenka Boliska Degaanka Lafey ee W/bari Kenya, Eric Oronyo sheegay in waxyaabaha ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka qaateen Xeradda Boliska ku leeyihiin Deegaanka Arabia ka mid ahaayeen Qalabka Diiwaan-gelinta Doorashadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Khamiistii  la soo dhaafay, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay weerareen Xeradaasi, iyadoo 21-kii Askari ee Boliska Kenya ee halkaasi joogay ka firxadeen Xerada, kana carareen hubkooda.

Xigasho: Daily Nation

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media