Alshabaab oo beenisay hadal uu Madaxweynaha Burundi ku sheegay inay weerar ku yihiin dalkiisa.

Afhayeenka Alshabaab, Sheekh Cali Mohamoud Raage ayaa beeniyey Eedeymaha uu Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ku sheegay inay Alshabaab qorsheynayaan qaraxyo ay ka geystaan dalkiisa.

Afhayeenka oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ee laga leeyahay dalka Britain ayaa beeniyey Eedeymahaasi, wuxuuna hadlak Madaxweynaha ku tilmaamay mid uu ku hosaasinayo Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Burundi.

“Waxaan filaynaa inay taasi tahay isku-day uu ku doonayo inuu ku niyad qaboojiyo dadkiisa oo waddooyinka u istaagan dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan  Maamulkiisa Keli Talisnimo” ayuu yiri Afhayeenka Alshabab.

Waxa uu intaasi ku daray  inuu Madaxweynaha Burundi uga dan leeyahay Eedeymaha uu ku sheegayo inay Alshabaab weerar ku soo yihiin dalkiisa si uu Beesha Caalamka uga weeciyo dareenka ay  ka qabaan Hoggaankiisa.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo uu Madaxweyne Pierre Nikuruziza shalay ka hadlay Muuqaalkii Video-ga ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku sheegeen inay weerari doonaan dalalka Uganda iyo Burundi

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay Alshabaab duullaan ku soo yihiin dalkiisa oo Kumanaan ciiddan ku biiriyey Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee AMISOM

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor