HomeWararAl-shabaab oo xalay weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka...

Al-shabaab oo xalay weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Kenya

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Wararka aan ka helayno degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in xubno ka tirsan dagaamayaasha Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ku leeyihiin degmadaas. Weerarka oo Al-shabaab ay u adeegsadeen Madaafiic ayaa waxaa ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kenya ku leeyihiin degmada Ceel-waaq, waxaana la sheegay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka helayno degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in xubno ka tirsan dagaamayaasha Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ku leeyihiin degmadaas.

Weerarka oo Al-shabaab ay u adeegsadeen Madaafiic ayaa waxaa ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kenya ku leeyihiin degmada Ceel-waaq, waxaana la sheegay in qaar kamid ah Madaafiicda la tuuray ay ku dhaceen gudaha Saldhiga.

- Advertisement -

Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen jugta Madaafiicda, kadibna uu xigay dagaal kooban oo dhexmaray xubno ka tirsan Al-shabaab ee weerarka soo qaaday iyo Ciidanka Kenya ee joogay Saldhiga.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ay gubteen Teendhooyin ku dhex yaallay gudaha Saldhiga Ciidanka Kenya, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay weerarka, in kastoo aan la caddeyn khasaaraha ka dhashay weerarka inta uu la egyahay.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka laga helayo degmada Ceel-waaq ayaa sheegaya in xaaladda degmadaas ay tahay mid degan, isla markaana ay shaqeynayaan isku socodka gaadiidka iyo goobaha Ganacsiga, kadib weerarkii xalay dhacay.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxaa weeraro isugu jiray mid toos ah iyo kuwa qaraxyo ugu qaadeen Saldhigyo Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts