HomeWararAl-Shabaab oo weeraray deegaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe iyo khasaaro ka dhashay

Al-Shabaab oo weeraray deegaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe iyo khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Inta la xaqiijiyey laba ruux ayaa geeriyootay kadib dagaal dhex maray dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab iyo Maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka Sabuun oo 14km  Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe. Labada Ruux ee geeriyootay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen Maleeshiyaad ilaalo ka hayey Buundada Sabuun oo ah  mid isku-xirta deegaano […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Inta la xaqiijiyey laba ruux ayaa geeriyootay kadib dagaal dhex maray dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab iyo Maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka Sabuun oo 14km  Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Labada Ruux ee geeriyootay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen Maleeshiyaad ilaalo ka hayey Buundada Sabuun oo ah  mid isku-xirta deegaano badan oo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe.

- Advertisement -

Dad ku sugan Magalada Jowhar ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in weerarkaas oo dhacay xalay,isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal dhexmaray Al-Shabaab iyo Maleeshiyaadkii la soo weeraray.

Deegaanka Sabuun ayaa waxaa ku sugan Maleeshiyaad deegaanka ah balse taageersan Dowladda Soomaaliya,waxana dadka deegaankaas ay sheegeen inay soo wajahday cabsi ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin dagaalkaas xalay ka dhacay deegaanka Sabuun.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts