Al-shabaab oo weerar xoogan ku qaaday Ciidamo Itoobiyaan ah

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo saacadihii lasoo dhaafay weerar isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ahaa lagula eegtay duleedka Degmada luuq ee Gobolka Gedo.

Ciidanka Itoobiya oo kasoo ambabaxay degmada Dooloow kunasii jeeday degmada Luuq ayaa waxaa la sheegay in marka hore qarax xoogan oo ahaa miino nooca lagu aaso ah uu ku qabsaday duleedka Luuq, intaas kadibna uu  bilowday dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidanka Itoobiya Al-shabaab.

Warar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka dhexmaray Ciidanka Itoobiyaanka iyo Shabaab la isku adeegsaday hubka noocaydiisa kala duwan, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa ku sheegeen in Ciidanka Itoobiyaanka ah ay wadada u tageen gaadid looga gubay weerarkii lagu qaaday ayna halkaas khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidanka.

Al-shabaab ayaa maalmo kahor Qarax xoogan Ciidamo Itoobiyaan ah kula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Gedo, iyagoona sheegay in qaraxaas ay ku dileen laba Askari, halka 4 kalena ay ku dhaawaceen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media