AL-Shabaab oo weerar Qaraxyo ku billawday ku qaaday degaan dhawaan laga Qabsaday

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare dhaliyay oo dhacay qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya, kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda, kuwaa Galmudug oo isku dhinac ah iyo dagaalamaayasha AL-Shabaab.

Wararka inaga soo gaaraya degaanka Qaayib ayaa kuwaramaya in dagaalamayaasha AL-Shabab ay weerar kusoo qaadeend egaankaasi, waxaana laga helalayaa warar kala duwan oo kua aaaddan dagaalkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ku billawday Qaraxyo, waxaana dagaalamayaasha AL-Shabaab oo weerarka soo qaaday la sheegay in labo qarax oo waa weyn ay ku billaabeen weerarka, waxaana xigay dagaal Culus, kadib markii Ciidanka fariisimaha ku lahaa degaanka ay iska caabiyeen AL-Shabab.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhashay dagaalkaasi,waxaana Ciidanka Dowladda ay sheegeen in dagaalakasi ay ku dileen Xubno ka tirsan dagaalamaayasha AL-Shabaab, oo markii hore soo weeraray Qaayib.

Qaayib waxaa ay ka mid ahayd degaanada dhawaan laga qabsaday AL-Shabaab, waxaana si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Dowladda, Kuwa Galmudug iyo kuwa dadka degaanka ee isku Abaaabulayd agaalka  ka dhanka ah AL-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor