Faah faahino dheeraad ah ayaa ayaa kasoo baxayaan dagaal saaka waaberigii hore ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buureey oo ka tirsan Gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen seddex saldhig oo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Goofgaduud Buureey.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay si weyn u maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana gudaha deegaanka uu siweyn uga dhacay dagaalka.
Saraakiil katirsan laamaha Amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen, hayeeshee Al-Shabaab oo weerarkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay la wareegeen Saldhigyadii ciidamada iyo Guud ahaan degaanka Goofgaduud Buureey.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo gurmad ah ay ku wajahan yihiin degaanka Goofgaduud Buureey, halkaas oo ka mid ah saldhigyada laga ilaaliyo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.