Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya

Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka Kenya iyo dagaalamayaasha Al-shsbaab uu dagaal xoogan ku dhexmaray halkaasi.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar dhowr jiro ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole ee ku yaalla duleedka Kismaayo,isla markaana waxaa intaasi kadib xigay dagaal saacado badan qaatay oo dhacay.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu ahaa mid culus oo lagu isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac,hayeeshee aan si  dhab ah loo xaqiijin karin  inta uu la egyahay.

War qoraal ah oo Al-shabaab ay ku faafiyeen barahooda internet-ka ayaa waxaa ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole ee ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo.

Dhawaan ayay aheyd markii Al-shabaab sidaan oo kale weerar ugu qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya,waxaana halkaasi ka dhashay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media