Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Wararka aan ka heleyn Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar saqdii dhexe ee xalay ku qaadeen Saldhig Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ku leeyihiin degmada Xudur, waxaana halkaas ka dhacay dagaal xoogan.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta labada dhinac ay is-dhaafsanayeen, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka, in kastoo aysan xaqiijin karin.

Saraakiisha Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Ciidanka Maamulka Koonfur Soomaaliya ee ku sugan degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa faah faahin ka bixin weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Saldhig ku yaalla halkaas.

Al-shaabab ayaa dhowr mar weeraro kala duwan ku qaaday Saldhigyo Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, waxaana weerarada qaarkood ka dhashay khasaaro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor