Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa waxaa ay sheegaya in Saldhig Ciidanka AMSIOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin halkaas lagu qaaday weerar loo adeegsaday madaafiic xoogan.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in la maqlayay dhawaqa madaafiic oo qaarkood ku dhacay meel ku dhow Garoonka, dhanka Ciidanka AMSIOMna ay tureen madaafiic kale oo Jawaab ahaa oo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in iska horimid uu dhexmaray rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab iyo Ciidanka Jabuuti oo kasoo baxay Saldhiga ay ku leeyihiin gudaha Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb.
Lama oga Khasaaraha ka dhashay madaafiicda iyo Iska hor imaadka dhex-maray labada dhinac, isla markaana ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha AMSIOM oo ku aadan weerarkii dhacay.
Al-shabaab ayaa marar horey weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaaday Saldhiga Ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin Garoonka Dhuusamareeb, waxaana xusid mudan Madaafiic Jawaab ah oo ay tureen AMSIOM ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.