Al-shabaab oo weerar ku qaaday Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo

Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Luuq ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalka ayaa sida la sheegay yimid, kadib markii xubno hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimo Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin Luuq, waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo socday.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in xalay ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo dhinacyada ay isdhaafsanayeen, iyadoo dadka deegaanka ay dareemeen casbi, wallow markii dambe uu dagaalka istaagay.

Al-shabaab warar qoreen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkii ka dhacay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ay Ciidanka Itoobiya uga dileen Hal Askari, halka tira kalane ay dhaawacyo soo gaareen.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro isugu jiray mid toos ah iyo qaraxyo ku qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, waxaana inta badan weeraradaas ka dhashay Khasaarooyin kala duwan oo gaaray Ciidamada Itoobiya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media