Al-Shabaab oo Weerar ka fuliyay  Waqooyi Bari  Kenya

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa wareer ku qaaday Gudaha dalka Kenya, waxaana lasoo sheegayaa in ay la wareegeen deegaan hoostaga degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-shabaab ayaa muddo saacado ah haystay degaanka, waxaana ay goob fagaare ah kula hadleen dadka degaanka, iyagoo khudbad u jeediyay sida ay soo sheegayaan Goobjoogayaal ku sugan Degaan Shiir oo Al-shabaab muddo saacado ah ay gacanta ku ahyeen, inkastoo markii dambe ay isaga bexeen sida aan xog ku helnay.

Al-shabaab oo war kasoo saaray weerarkaasi ayaa sheegay in ay gubeen xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee deegaanka Shiir, waxaana Warbahinta ku hadasha Afka Al-shabaab lagu daabacay in Weerar kaasi ay ka dambeeyeen Al-shabaab, ayna dadka degaanka kula hadleen Goob fagaare ah.

Wali laamaha amniga Kenya kama hadlin weerarkaasi Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaan hoostaga degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media