Al-Shabaab oo weerar dhaba-gal ah ku qaaday Kolonyo ay la sodeen Ciidamada Kenya

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi deegaano ka tirsan Maanta uu ka dhacay dagaal xoogan.

Dagaalkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab,waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxaa la sheegay in dagaalkan uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar dhabo ahaa ay ku qaadeen Kolonyo  ay ka socdeen Ciidamada Kenya xili ay ku socdaal ku marayeen wadada xiriirisa deegaanada Faxfax dhuun iyo Girileey ee Gobolka Gedo,iyadoo dagaalka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dhinaca kale War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in dagaalka ay la galeen Ciidamada Kenya uga dileen 3 askari oo Kenyaan ah,halka tirro kalena ay ku dhaawaceen.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegay in mid kamid ahaa Kolonyadii ay la socdeen Ciidanka Kenya ku gubeen weerarka ka dhacay Gobolka Gedo.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media