Al-shabaab oo weerar dhaba-gal ah ku qaaday Kolonyo ay la socdeen Ciidamo

Wararka aan ka heleyno duleedka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar dhaba-gal ah ay ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaasi ku socdaalayay wadada laamiga ah ee xiriirisa Magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaalamay duleedka Buurhakaba, waxaana halkaas lagu dilkay Askari, iyadoo dhawacyo ay jiraan.

Al-shabaab warar ay barahooda ku qoreen waxaa ay ku sheegteen in dagaalka inta uu socday ay ku qabsadeen Gaari nooca dagaalka ah oo ay wateen Ciidanka Koonfur galbeed iyo saanado hub ah.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed oo ay uga hadlayaan weerarkii ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa Magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ee Gobolka Baay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media