Al-Shabaab oo sheegtay in ay weerareen Saldhiga Turkiga ee Muqdisho

Al-Shabaab ayaa waxa ay markii ugu horreysay sheegteen in ay saakay weerar ku qaadeen Saldhiga dowladda Tukiga uu ku leeyahay Magalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Saldhigga turkiga uu ka dhistay Muqdisho oo ah kan ugu weyn uu Afrika ku leeyahay ayaa ah Xero lagu tababaro Ciidamada dowladda Soomaaaliya,iyada oo bilihii u dambeysay dhowr kun o Askari ay ku tababareyn.

Warar ay ku daabaceyn bogga ay Internet-ka ku leeyihiin ayaa waxa ay ku shaaciyeen in saakay aroortii hore ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga turkiga ee Muqisho,kaas oo laga dhisay degmada Wadajir.

Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay weerareen Saldhiga turkiga ee Muqdisho,ayaa dadka ku nool degmada Wadajir waxa ay sheegeen in saakay arroortii ay maqleen jug culus.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media