Al-shabaab oo Qarax khasaaro sababay la eegtay Gaari ay saarnaayeen Shaqaale Kenyaan ah

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa deegaan ka tirsan Magaalada Mandheera ee Gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya lagula beegsaday gaari ay saarnaayeen Shaqaale u shaqeeya Shirkad laga leeyahay Kenya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu gaariga ay saarnaayeen shaqaalaha oo gaarayey saddex ruux uu ku haleelay waddada dheer ee deegaanka Wargadud- Takaba ee Magaalada Mandheera,  waxaana ka dhashay khasaaro gaaray shaqaalaha.

Inta la xaqiijiyay saddexda ruux ee shaqaalaha ahaa ayaa ku dhaawacmay qaraxii lala eegtay, kuwaasi u shaqeeya Shirkada dhismaha, iyagoona xilliga la qarxinayey kusii jeeday deegaanka Wargadud, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Saraakiisha Booliska dowladda Kenya oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in aysan arag dadkii ka dambeeyay qaraxaas oo la rumeysan yahay inay ahaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo qaraxa la beegsaday shaqaalaha, xilli ay kusii jeedeen deegaanka Wargadud.

Halka ay dhacdadani ka dhacday ayaa ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya oo marar badan ay ka tallaabaan dagaalamayaasha Al-Shabaab, Dhowr jeer oo horey ayey Al-shabaab Qaraxyo Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya kula beegsatay Ciidamo Kenyaati iyo shaqaale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor