Al-shabaab oo markale weerar Culus ku qaaday Ciidamo Itoobiyaan ah

Wararka aan ka heleyno deegaan ku dhow Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee shalay halkaas uu dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-shabaab ay qaraxyo lala eegteen Kolonyo Ciidan Itoobiyaan ah oo socdaal ku mararay inta u dhexeeysa Luuq Ganaane iyo degmada Dooloow, waxaana halkaas ka dhacay dagaal qaatay saacado badan.

Dad ku sugan Doolow ayaa soo weriyay in dagaalka u dhexeeyay labada dhinac la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana ay maqlayeen jugta rasaas xoog leh.

Warar Al-shabaab ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaan ay ku sheegteen in dagaalkii ay la galeen Ciidanka Itoobiya uu qaatay saacado badan ayna Khasaaro badan ku gaarsiiyeen, In kastoo aysan shaacin tirada khasaaraha.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka itoobiya oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay inta u dhexeeysa Luuq Ganaane iyo degmada Dooloow ee Gobolka Gedo.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo iyo weeraro toos ah todobaadyadii lasoo dhaafay Ciidamo ka tirsan Itoobiya kula eegteen duleedka Degmada Luuq, iyagoo sheegtay inay ku dileen Askar ka tirsan Itoobiya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media