Al-Shabaab oo lacag Madax Furasho ah ka qaatay Shaqaale ay ka afduubteen duleedka Baydhabo

16,Bishaan ayaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab waxa ay duleedka Magaalada Baydhabo ay ka afduubteen Shaqaalo u Shaqeynayay mid ka mid ah Hay’addaha ka howlgalla gobolka Baay, oo lagu Magacaabo Career waxana la sheegay in haatan ay siidaayeen kadib markii ay ka qaateen lcag madax furasho ah.

Shaqaalahaan oo gaaraya ila 7 ruux oo 4 ka mid ah ay yihiin Dumar.ayay Al-Shabaab ka qaateen lacag ku dhow (Soddon Kun) oo Dollar oo Madax Furasho ah una dhiganta qofkiiba $ 4,150.

Shaqaalaahn ayaa haatan ah kuwo xuriyadooda dib u helay sida ay Radio Dalsan u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,in kastoo ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan.

Shacabka iyo ehelada Shaqaalahaan oo dhamaantood ah Soomaali ayaa ka welwelsanaa waxaana ay Al-Shabaab horay u dalbadeen in lasiiyo lacag Madax furasho ah

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media