Al-Shabaab oo la wareegay Magaalo ka tirsan Gobolka Sanaag

Wararka ay Dalsan ka heleyso Magaalada laas qoray ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay galeen Gudaha Magaaladaas.

Magaalada laas qoray oo ah Magaalo Xeeb leh ayaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan Shabaab oo ka yimid Buuraha Galgala ay tageen kuwaas oo Goob fagaaro ah Bulshafa Magaalada ugu khudbeeyay.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in Al-Shabaab ay Saacado Noonan joogeen halkaas kadibna ay dib uga laabteen.

Masuuliyiinta Maamulka Magaalada laas qoray ee Puntland weli kama hadlin tegi taanka Al-Shabaab ee Magaalada laas qoray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media