Al-Shabaab oo la wareegay Fariisinkii Muqtaar Rooboow iyo dagaal ka socda duleedka deegaanka Abal

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamo k tirsan Al-Shabaab iyo kuwa Muqtaar Roobow Abuu Mansuur ku dhex maray deeganka Abal ee Gobolka Bakool.

Wararka ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in tuulada Abal ay la wareegeen Al-Shabaab kadib markii ay isaga baxen Ciidamadii uu watay Muqtaar Rooboow.

Wararka ayaa wax ay intaas ku darayaan in haatan dagaalka u dhaxeya labada dhinac uu ka socdo meel duleedka ka ah deegaanka Abal,islamarkaana dhanka Al-Shabaab ay Gurmadyo kala duwan dalbanayaan.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in saacadaha nasoo aadan ay Gurmad u diri doonaan deeganka uu ku sugan yahay Muqtaar Rooboow si ay u caawiyaan.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay ayaa wali si rasmi ah loo ogeyn, waxaa adag in la helo warar madax banaan oo ku saabsan dagaalka iyo khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

Dowladda Mareykanka ayaa Bishii June Shaacisay in liiska waxa loogu yeero Argagaxisada ay ka saartay Muqtar Rooboow,waxayna taasi dhalisay in ay kororto xiisadii u dhaxeysay Al-Shabaab iyo Muqtaar Roobow.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media