Al-Shabaab oo la wareegay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Dagalamayaasha Al-shabaab ayaa  dagaal kula wareegay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, wararka inaga soo gaaray degaanka Ceeldheere oo 30km u jira Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaaa sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta degaankaasi.

Dagaalka oo xalay  saqdii dhexe dhacay ayaa waxaa soo qaaday Al-shabaab, waxaana ay la wareegeen gacan ku haynta degaanka, iyadoo dadka degaanka ay soo sheegayaan khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaaray labada dhinac ee xalay dagaalamay.

Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa ku dhimatay dagaalkaasi, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen,waxaana dadka degaanku ay sheegayaan in ay macquul tahay in khasaaruhu uu intaa ka badan yahay maaddaama dagaalku uu cuslaa, hubka noocyadisa kala duwanna la isku adeegsaday, balse waxaa adeg in la helo khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac.

Horay Al-shabaab ayaa degaankaan kula wareegay iyagoon wax dagaal ah aan galin, balse markii dambe ayay isaga bexeen, waxaana wixii intaas ka dambeeyay gacanta ku hahay Ciidanka Dowladda.

Al-shabaab ayaa dhawanahaan waxaa dagaallo xooggan  ay ka wadaan Gobolada Galgaduud iyo Mudug, waxaana  xusid mudan in degaaanno ka tirsan Gobolka Mudug  ay Al-shabaab kula dagaalamaeen dadka deegaanka, waxaana sidoo kale ay dagaallo dhowr jiho ah ay ka wadaan Gobolka Galgaduud.

 

Comments
Loading...