Al-shabaab oo la sheegay inay Go’doomiyeen Degmo ka tirsan Gobolka Gedo

Wararka aan la heleybo Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in degmadaas ay Go’doomiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa waxaa la sheegay inay xireen dhammaanka Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, isla markaana haatan Go’doon ku jirto degmadaas.

Dadka deegaanka ayaa waxa sheegay in gudaha Luuq uusan jirin wax Gaadiid ah oo soo galaya iyo kuwo kabaxaya, iyadoona dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan yihiin deegaano hoostaga degmadaasi.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa tilmaamay in xaaladda Magaalada ay tahay mid adeg, waxaana Ciidanka dowladda Federaalka iyo Jubbaland ay ugu baaqeen in Go’aanka laga qaado degmadaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Shidaalka lagu iibinayay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo uu dhammaaday, waxaa la sheegayaa in maalmaha soo socda laga cabsi qabo inay Maciishada go’do.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media