Al-Shabaab oo ka hadashay Weerar ay ku qaadeen deegaanka Janaay Cabdalle

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar ay saaka ku qaaday deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose lagu dilay 89 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, halka tobanaan kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay warbaahinta taageerta kooxdaas.

Warka ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in xero halkaa ay ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ay ku qaadeen weerar loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Shabaab waxay intaa ku dareen in ay cagta mariyeen saldhigga ay weerarka ku qaadeen hase-yeshee ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijineysa sheegashada Al-Shabaab.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamada dowladda ayaa waxay sheegeen in malleyshiyaadka Al-shabaab halkaas lagu gaarsiiyay jab weyn, ayna la carareen meydad tiro badan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.

Deegaanka Janaay Cabdalle oo ah deegaan muhiim ah ayaa isku xira magaalada Kismaayo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose. Ciidamo kala duwan oo isugu jira milatariga Soomaaliya kuwa daraawiishta Jubaland, iyo ciidamada gaarka ah ee Danab ayaa la sheegayaa in ay halkaa ku leeyihiin saldhig weyn.

Bishii Jannaayo ee sanadkaan ayaa ciidamadu halkaa kala wareegeen Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor